Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo mamnuucaya dibad-baxyada lagu taagerayo Falastiin


Wasiirka Arrimaha Gudaha Fransiika Gerald Darmanin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska.

Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka.

Warbixin arrinkaas ku saabsan waxa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOAda qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

Faransiiska oo mamnuucay dibad-baxyada lagu taagerayo Falastiin
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00


XS
SM
MD
LG