Waddamada Yurub qaarkood ayaa dib loo furay dugsiyada, xarumaha laga adeegto iyo goobaha xeebaha ku yaal ee loo dalxiiska tago.
Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii ay aad hoos ugu dhacay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid19 iyo ololaha talaalka oo si habsami leh u socda.
Dalka Spain waxaa isugu soo baxay dad u dabaaldegayay xayriraadahaas la qaaday, iyada oo waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka ay ka mid tahay Madrid ay dadku ku dhawaaqayeen “xoriyadii ayaa soo noqotay”.
Warbixin gaar ah oo arrimahaas ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA Qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail.