Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxda Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska


Kooxda K/cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska, kaddib markii deriskeeda Manchester United oo kula loollameysay horyaalka ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay ciyaartii kooxda Leicester City.

Guuldarrada Manchester United soo gaartay ayaa ka dhigan guusha horyaalka ee City oo ka horreysa 10 dhibcood oo nadiif ah, iydoo leh 80 dhicood, waxaana horyaalka xilli ciyaareedka 2020-2021 ka harsan saddex kulan oo qura.

Inkasta oo kooxda Chelsea ay todobaadkan uga badisay garoonkeeda Etihad, haddana Manchester City ayaa sanadkan si qurxoon ugu guuleysatay horyaalka dalkeeda.

"Waxaan mar kasta ku xasuusan doonnaa xilli ciyaareedkan qaabkii aan ku qaadnay horyaalka" ayuu yiri Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola oo ku faraxsanaa inay horyaalka qaaadan iyagoon xitaa garoonka imaan.

Waa markii saddexaad ee Guardiola uu Manchester City u qaado horyaalka Ingiriiska.

XS
SM
MD
LG