Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey iyo Sacuudi Carabiya oo isku soo dhowaanaya


Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud
Mevlut Cavusoglu iyo Faisal bin Farhan Al-Saud

Turkey iyo Sacuudi Carabiya ayaa sii wadai doona wada-hadallada ay wax uga qabanayaan khilaafyada u dhaxeeya, waxaa sidaas Talaadadii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu kadib markii uu magaalada Makkah kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga.

Cavusoglu iyo wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa yeeshay wada-hadallo looga dan leeyahay in lagu gudbo khilaafkii ka dhashay dilkii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu gaystay Jamaal Khaashuqji oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah, 2018-kii.

“Waxaan doonayaa inaan walaalkey Amiir Faisal uga mahad-celiyo casuumadda iyo soo dhoweynta. Waxaan yeelanay kulan furan oo saaxiibtinimo waxaana wax ka qabanay meelaha ay dhibaatooyinka ka jiraan ee xiriirkeena,” ayuu Cavusoglu u sheegay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

“Waxaan sidoo kalee ka wada-hadalnay sida sare loogu qaadayo iskaashigeena ku aadan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka. Waxaan go’aansanay inaan sii wadno wada-hadalkeena, waxaana ku casuumay Turkey,” ayuu yiri Cavusoglu.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada-hadlay gardarrada Israel, sida uu sheegay Cavusoglu, kadib markii Jaamacadda Carabta ay cambaareysay duqeymaha dhimashada leh ee Israel ay ka waddo Marinka Gaza.

“Wasiirka arirmaha dibedda Sacuudi Carabiya kalama hadlin oo kaliya xiriirka labada dal, waxaanse ka wada xaajoonay tallaabooyinka aan qaadi karno marka ay noqoto Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey.

Reuters

XS
SM
MD
LG