Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo xaqiijisay wada-hadallada Sacuudi Carabiya


Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa markii ugu horreysay Isniinta maanta ah xaqiijisay in jamhuuriyadda Islaamiga ah ay wadahadallo la leedahay dalka ay gobolka ku loollamaan ee Sacuudi Carabiya, laakiin waxa ay sheegtay in "ay goor hore tahay" in laga hadlo natiijooyinka kulamada.

Warbixinnada warbaahinta, oo markii dambe ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa ka tirsan dowladda Ciraaq, ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha Iran iyo Sucuudiga ay bishii April ku kulmeen magaalada Baghdad, kaasi oo ahaa kulankoodii ugu horreeyay ee heer sare ah tan iyo 2016-kii oo ay Riyadh ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Tehran.

“Ujeedada wadahadaladu waxa ay ahaayeen kuwa laba geesood ah iyo kuwa goboleed. Laakiin aan sugno oo aan aragno natiijooyinka wadahadaladan,” ayuu wariyeyaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Saeed Khatibzadeh.

Xiriirka dalalkan deriska ah ayaa go’ay sanadkii 2016-kii markii banaanbaxayaal reer Iiraan ay weerareen xafiisyada diblomaasiyadeed ee Sacuudiga ka dib dilkii boqortooyada ay ku fulisay wadaad ay aad shiicadu u qaddariso.

Labadan dal ayaa kala taageeraya dhinacyada iskaga soo horjeeda dhowr dagaal oo ka socda gobolka, laga soo bilaabo Syria ilaa Yemen, halkaas oo xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga ay kula dagaalamayaan fallaagada Xuutiyiinta.

Iran ayaa taageerta Xuutiyiinta oo tan iyo 2015-kii dagaal kula jira isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

AFP

XS
SM
MD
LG