Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Johnson oo isku dayaya inuu ka hortago qorshaha gooni u goosashada Scotland


Boris Johnson

Ra'isul Wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa Axaddii kulan aan caadi ahay ugu baaqay in ay isugu yimaadaan madaxda Gobolada ay ka kooban tahay Boqortooyada UK, kaddib markii xisbiyada Scotland ee u ololeeya gooni isu-taageeda ay ku guuleysteen aqlabiyadda kuraasta Baarlamanka.

Hogaamiyaha xisbiga SNP Nicola Sturgeon ayaa sheegtay in natiijada doorashadu ay muujineyo in afti labaad laga qaado umadda reer Scotland ay tahay mid lama huraan ah, isla markaana siyaasiyiinta London ku sugana haddii ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan ay dagaal la geli doonaan doonista dimuqraadiyada Scotland.

Warbixin amuurtaas ku saabsan waxaa London inooga soo diray wariyaha VOAda qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Boris Johnson oo ku baaqay wadahadal kaddib guushii waddaniyiinta Scotland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:36 0:00


XS
SM
MD
LG