Isku xirrada

War Deg-Deg ah

400 oo muhaajiriin ah oo gaaray jasiiradda Lampedusa


In ka badan 400 oo muhaajiriin ah ayaa Axadda maanta ah soo gaadhay jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa, sida ay ku warantay warbaahinta Talyaanigu, iyada oo maamulka Sicily ay markale hor istaageen dooni kuwa wax badbaadiya ah oo ka soo bixi lahayd dekedda.

Doon 20-mitir ah oo siday 325 qof ayaa lagu qabtay meel 13 km u jirta xeebta Lampedusa, mid kalena waxaa lagu qabtay meel aan sidaa uga fogeyn iyadoo ay saarnaayeen 90 qof, sida ay wariyeen wakaaladaha wararka.

Talyaanigu ayaa ah isha ugu weyn ee ay ka soo galaan muhaajiriintu ku sii jeedda Yurub, laakiin biyaha u dhexeeya Sicily iyo Waqooyiga Afrika ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu dhimashada badan dunida.

Ku dhowaad 530,000 oo muhaajiriin ah ayaa ka degay xeebaha Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkii 2015, iyadoo 6,000 oo ka mid ah ay sanadkan soo galeen, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka (IOM).

AFP

XS
SM
MD
LG