Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sadiq Khan oo mar kale loo doortay Duqa Magaalada London


Sadiq Khan
Sadiq Khan

Duqa magaalada London Sadiq Khan oo ahaa musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ayaa mar kale la doortay, kaddib tartan adag ee uu la galay Shaun Bailey oo ka socday xisbiga talada haya ee Conservative-ka.

Khan oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee madax ka noqda magaalo madax weyn oo dal reer Galbeed ah ayaa ku guueystay 55.2% tirada codadka guud ee doorashada, halka 44.8% uu helay Bailey.

"Waxaan si qoto dheer u ixtiraamayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen inaan sii wado hoggaaminta magaalada ugu weyn dunida" ayuu yiri Sadiq Khan oo sheegay inuu diiradda saari doono ololaha shaqo abuurista magaalada ay ku nool yihiin in ka badan sagaal milyan oo qof.

Khan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee sida weyn u dhaleeceyay ka bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub ee Brexit iyo Ra'isul Wasaareyaashii xisbiga talada hadaya ee Boris Johnson, Teresa May iyo David Cameron, iyadoo sidoo kale ay Khan foodda is dareen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Sadiq Khan iyo Trump waxaa dhexmaray dagaal adag oo dhanka hadalka ah, kaddib markii Khan uu dhaliilay xayiraaddii muranka badan dhaliysay ee Trump uu saaray dalal ka soo jeeda dunida Muslimka.

XS
SM
MD
LG