Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gantaalkii Shiinaha ee faraha ka baxay oo la filayo in uu maanta dhulka ku soo dhaco


Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Dayaxgacmeedyada ee Mareykanka ayaa sheegtay in gantaal ay Shiinaha toddobaadkii hore hawada sare u dirtay balse soo fara-baxsaday la filayo dhamaadka Sabtida maanta ama saacadaha hore ee Axadda berri ah inuu ku soo dhaco dhulka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa Jimcihii shalay sheegtay in inta badan burburka gantaalka ay gubi doonaan marka uu hawada dhulka soo gaaro, islamarkaana ay u badan tahay in uusan sababi doonin khasaaro.

Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in la xakameyn waayay gantaalkaasi soo fakaday, aadna ay ula socdaan halka uu soo marayo.

Waaxda Cirbixinta Mareykanka ayaa sheegtay in gantaalkaan ay u badan tahay in uu ku dhaco meel u dhaw Jasiiradda Waqooyi ee dalka New Zealand, laakin waxa ay ka digtay suurtagalnimada in gantaalka u uku habsan karo meel kale oo dunida ka mid ah.

XS
SM
MD
LG