Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Maaliyadda Qatar oo loo xiray tuhun musuq-maasuq


Ali Shareef al-Emadi
Ali Shareef al-Emadi

Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA ayaa maanta shaacisay in Wasiirka Maaliyadad Qatar, Ali Shareef al-Emadi la xiray, si loo weydiiyo su’aalo ku saabsan musuq-maasuq iyo ku tagri-falid awoodeed.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in xariga wasiirka maaliyadda uu amray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar, islamarkaana uu hadda socdo baaritaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka.

Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar.

Majallada ka faalloota arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Banker ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe.

XS
SM
MD
LG