Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamadii qalalaasaha ku yimid Muqdisho oo lagu heshiiyey in looga saaraa 48 saac gudahood


Heshiiska Muqdisho
Heshiiska Muqdisho

Guddi ka kooban 11 xubnood oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u saaray xallinta qalalaasihii dhowaan ka dhacay Muqdishu iyo ciidamada is-horfadhiya ayaa goor dhowayd soo saaray qodobadan.

Guddiga ayaa sheegaya in qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay muddo kororsigii uu sameeyey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, kaasi oo uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobada heshiiska ayaa u qoran sidan:

1. In dhamaan ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida mushaarka, darajooyinka iyo xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida darajooyinka, mushaaraadka iyo xuquuqda kale ee ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta ciidamada qaranka.

7. In aan ciidamada qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Guddigan ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, qaar ka tirsan xunaha musharriicinta, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

XS
SM
MD
LG