Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Derek Chauvin oo codsaday maxkamadeyn cusub


Chauvin (Midigta) oo la jeebeynayo iyo qareenkiisa (Bidixda) Eric Nelson.
Chauvin (Midigta) oo la jeebeynayo iyo qareenkiisa (Bidixda) Eric Nelson.

Derek Chauvin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo u xiran dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow ah, ayaa Talaadadii shalay garsoore ku sugan Minneapolis weydiistay maxkamadeyn cusub, laba todobaad kaddib marki lagu helay inuu dilay George Floyd.

Eric Nelson oo ah qareenka Chauvin, ayaa shalay u gudbiyay codsiga dib u furidda dacwadda kalyantigiisa, taasoo uu u gudbiyay garsoore Peter Cahill oo ah xaakim ka howlgala maxkamad heer degmo ah.

Garyaqaan Eric Nelson, ayaa ku dooday in Chauvin uusan helin xakun caddaalad ah, isaga oo farta ku fiiqay in intii lagu guda jiray dhageysiga dacwadda ay dhaceen qaladaad ay ka mid ahaayeen arrimo uu ugu yeeray 'dhaqan xumo ay ku kaceen dacwad-oogayaasha iyo guddigii xeer-beegtida'.

Wuxuu intaasi ku daray inuu dhacay qalad dhanka sharciga ah, sidaasi daraadeedna ay go'aankii ay gaareen xeer-beegtida ay tahay mid baal-marsan sharciga.

20-kii bishii April ayaa guddi ka koobnaa 12 xubnood ay danbi ku heleen Chauvin oo ah 45 jir caddaan ah.

Danbigaas oo ah inuu si ula kac ah iyo si aan ula kac aheynba u dilay Goerge Floyd oo ahaa nin madow.

XS
SM
MD
LG