Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay arrinta lagu haysto duqa Istanbul ee la xiriirta qabriga Sultan Mehmed II?


 Ekrem Imamoglu
Ekrem Imamoglu

Dacwad oogayaasha Turkey ayaa baaritaan ku billaabay duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu oo loo haysto dhaqan “xushmad darro ah” oo uu sameeyey mar uu booqday qabri, sida ay Talaadadii sheegaan saraakiil.

Imamoglu, oo ay suurta-gal tahay inuu madaxweyne Erdogan kula loolamo doorashada xigta, kana tirsan xisbiga mucaaradka ee CHP, ayaa la sawiray isaga oo gamcihiisa xijiyey dhabarkii, intii lagu guda jiray booqasho uu sanadkii horey ku tegay qabriga Sultaankii Cusmaaniyiinta ee Mehmed II.

Waxa uu ka qeyb galayey munaasabad lagu xusayey sanad guurada markii Istanbul laga qabsaday Boqortooyadii Byzantine 1453-kii.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Ismail Catakli ayaa sheegay in baaritaanka ay billaabeen dacwad oogayaasha ayada oo la tuhmayo inuu “xushmad dareeyey qabriga Furtihii Istanbul, Mehmed II”

Afhayeenka ma sharxin sida Imamoglu uu xushmad dareeyey qabriga.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale baaraya eedeymo kale oo ku saabsan in Imamoglu uu booqday guddoomiyayaasha xisbiga mucaaradka ee Kurdishka ee HDP, sida uu sheegay Catakli.

Dacwad oogayaasha ayaa iminka isku dayaya inay baabi’iyaan xisbiga HDP oo ah kan saddexaad ee ugu weyn baarlamanka, sababo la xiriira tuhun ku saabsan xiriir uu la leeyahay kooxda Kurdish-ka ee sharci-darrada laga dhigay ee PKK, oo Ankara iyo xuluafeeda Reer Galbeedka ugu diiwaan gashan urur argagixiso.

Afhayeenka Imamoglu Murat Ongun ayaa soo tweet gareeyey in Imamoglu laga codsaday inuu jawaab ka bixiyo baaritaanka “oo aan laheyn wax sharaxaad ah.”

Imamoglu, ayaa ceebeeyey xisbiga Erdogan ee AKP, markii uu 2019-kii ku guuleystay tartankii duqa magaalada Istanbul ee muranka uu hareeyey sababo la xiriira tuhun wax is-daba marin, taasi oo dhalisay in mar kale dib loogu celiyo codeynta, ayada oo labada marba u uku guuleystay.

AFP

XS
SM
MD
LG