Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester City oo gaartay kama-dambeysta koobka horyaallada Yurub


Riyad Mahrez
Riyad Mahrez

Kooxda K/cagta Manchester City ayaa markii ugu horreyay gaartay kama-dambeysta koobka kooxaha horyaallada Qaaradda Yurub ee Champions League, kaddib markii ay xalay 2-0 uga adkaatay dhiggeeda Paris Saint-German.

Ciyaartan oo aheyd lugta labaad ayaa waxaa labada Manchester City u dhaliyay laacibkooda Riyad Mahrez oo u dhashay waddanka Algeria, ahna kabtanka xulka waddankaas. Daqiiqadihii 11-aad iyo 63-aad ee labada qeyb ee ciyaarta ayuu Mahrez dhaliyay goolasha kooxdiisa.

"Paris waxay aheyd koox adag, waana koox loo dhisay inay guuleyso, waana sababta ay sanad kasta horyaalka dalkeeda ugu guuleysato, laakiin inaga ayaa soo af-jarnay" ayuu yiri tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola oo intaas raaciyay "Waxaan joogna kama-dambeysta koobka horyaallada Yurub, waana arrin lagu faani karo"

Manchester City ayaa sugeysa midkood kooxaha Chelsea iyo Real Madrid oo caawa ku ballansan gegida Stamford Bridge ee magaalad London, waxaana lugtii hore ee ciyaartan ku soo idlaatay 1-1.

Kooxda Manchester City ayaa hore uga soo adkaatay kooxaha Porto, Marseille, Olympiakos, Borussia, Mönchengladbach iyo Borussia Dortmund.

XS
SM
MD
LG