Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bill Gates iyo Melinda Gates oo kala tegaya 27 sano kadib


Bill Gates iyo Melinda Gates
Bill Gates iyo Melinda Gates

Bilyineer Bill Gates, oo ah milkiilaha shirkadda Microsoft, iyo xaaskiiksa Melinda Gates ayaa ku dhowaaqay inay kala tagayaan kadib 27 sano oo ay is-qabeen.

Warka kasoo baxay labadan ka mid ah lamaanaha ugu qanisan dunida ayaa durba dhaliyey su’aalo ku saabsan sida ay u kala qeybsan doonaan hantidooda, iyo jihada mid ka mid ah ururada samafalka ee ugu awoodda badan dunida.

Lamaanahan oo hantidooda lagu qiyaaso 130 bilyan oo dollar ayaa lacago badan ku bixiyey howlo samafal ah oo dunida laga qabto ayaga oo marinaya hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation.

Waxay sheegeen inay sii wadi doonaan shaqada wadajirka ah ee hay’addan, oo maal-gelisay qadiyado ay ka mid yihiin caafimaadka dunida, sinnaanta jinsiga, waxbarashada iyo kuwa kale.

“Fikir dheer kadib iyo dadaal badan oo ku saabsan xiriirkeena, waxaan go’aansanay inaan kala tagno,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay si wadajir ah usoo saareen oo ay soo dhigeen labadooda bar ee twitter-ka.

“27-kii sano ee tegay, waxaan korinay saddex caruur oo aan caadi ahayn, waxaana dhisnay hay’ad ka shaqeysa dunida oo dhan, si aan dadka oo dhan uga caawino inay helaan nolo caafimaad leh oo wax ku ool ah.”

"Waxaan sii wadeynaa inaan wadaagno aaminsanaanta howlgalkaas, waana sii wadi doonnaa inaan ka wada shaqeyno hay’adda, hase yeeshee ma aaminsanin inaan hadda kadib si wada jir ah u kobci karno lamaane ahaan marka ay noqoto wejiga xita ee nolosheena.”

Bayaanka ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan furitaanka, balse waxay Bill iyo Melinda ku codsadeen in la dhowro asturnaanta xogtooda gaarka ah in tan qoyskooda.

AFP

XS
SM
MD
LG