Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yaa Bashar al-Assad kula tartamaya doorashada madaxweynaha Syria?


Bashar al-Assad

Wasiir hore oo Syrian ah iyo xubin ka tirsan mucaaradka ay dowladdu oggoshahay ayaa bishan tartanka madaxtinimada ee Syria kula baratami doona Bashar al-Assad, maxkamada dastuuriga ayaa shaacisay Isniinta maanta ah.

Golaha maxkamadda ee uu Assad magacaabay ayaa ansixiyay kaliya seddex ka mid ah 51 codsade oo doonayay in ay ka qeybgalaan doorashada dhici doonta 26-ka May, waxaana kuwa la ansixiyay ka mid ah Madaxweynaha 55 jirka ah, oo si weyn loo saadaalinayo inuu mar afaraad guuleysan doono.

Madaxweynaha maxkamadda ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo laga sii daayay TV-ga dowladda in Abdallah Salloum Abdallah, oo wasiiru dowle soo ahaa 2016 ilaa 2020 loo ogolaaday inuu u tartamo xilka madaxweynaha.

Musharaxa seddexaad ayaa lagu magacaabaa Mahmoud Marei, waana xubin ka tirsan kuwa loogu yeero "mucaaradka loo dulqaato” oo ay hogaamiyeyaasha mucaaradka dibad-joogga ah ku tilmaameen koox gacansaar la leh rajiimka.

Xubnaha mucaaradka dibad-joogga ah ayaa ka qeybgalkooda doorashada waxaa diidaya sharciga doorashooyinka oo dhigaya in murashaxiinta ay tahay in ay ku noolaayeen dalka ugu yaraan tobankii sano ee la soo dhaafay.

Doorashada ayaa noqonaysa tii labaad ee la qabto tan iyo markii ay bilaabatay colaadda toban sano jirsatay ee ay ku dhinteen in ka badan 388,000 oo qof islamarkaana in ka badan kala bar dadka reer Syria ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG