Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiiniyiin weerar toogasho ah ka fuliyey dhulka la haysto ee Daanta Galbeed


Saddex qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa Axaddii lagu dhaawacay toogasho ay Daanta Galbeed ee la haysto ka fuliyeen rag ku socday baabuur, ayada oo wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz uu weerarka ku eedeeyeey “argagixiso”.

Toogashada oo ka dhacday goob basaska laga raaco oo ku taalla Isgoyska Tapuah ee koonfurta Nablus ayaa loo maleynayaa inay fuliyeen kooxaha Falastiiniyiinta.

“Gaari laga shakiyey ayaa yimid isgoyska, wuxuuna xabado ku furay shacab Israa’iiliyiin ah oo goobta ku sugnaa,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada Israel.

“Ciidamada ayaa rasaas ugu jawaabay gaariga laga shakiyey oo goobta ka baxsaday,” ayuu bayaanka intaas ku daray.

Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Megan David Adom ayaa sheegay in saddexda qof oo da’doodu tahay labaatameeyada loo qaaday isbitalka, islamarkaana mid ka mid ah ay xaaladdiisa darran tahay.

Sadddexda qof ayaa la sheegay inay ahaayeen arday seminar diimeed u joogay deegaan ka ag dhow goobta oo lagu magacaabo Itamar.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa yiri “Uma ogolaan doonno in argagixisada ay madaxa sare u qaaddo, waxaana cadowgeena ku weerari doonnaa awood.”

Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa galay xaafadda Beita ee koonfurta Neblus, waxayna isku dhaceen Falastiiniyiin tuurayey dhagxaan, halkaasi oo rasaas ay ku fureen ay ku dhaawacmeen saddex qof.

Goor sii horreysay, ciidamada Israel ayaa toogasho ku dhaawacay haweeney Falastiini ah oo ay sheegeen inay mindi kusoo weerartay.

Waxay goor dambe ku geeriyootay Isbital ku yaalla Qudus. Waxaa magaceeda lagu sheegay Fahima al-Hroub, oo dhalatay 1961-kii, kana soo jeeday Bethlahem.

AFP

XS
SM
MD
LG