Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo argagixiso u aqoonsatay ururrada TPLF iyo OLF


Abiy Ahmed
Abiy Ahmed

Dowladda Ethiopia ayaa Sabtidii shalay ahayed liiska argagixisada ku dartay ururrada TIPLF iyo OLF, waxaana go'aankan laga soo saaay shirkii golaha wasiirada ee uu shir guddoomiyay Ra'isul Wasaare Abiy Ahmed.

Maamulka Ra'isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dabayaaqadii sanadkii hore weerar ku qaaday gobolka Tigray, halkaas oo saldhig u aheyd TPLF oo hore u soo xukuntay dalka Ethiopia.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in sidoo kale OLF-Shene loo aqansaday aragagixiso, kaddib markii sida ay sheegeen saraakiisu ammaanku weerarro dhowr ah ku qaadeen meelo kala duwan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah iyo kaabayaasha bulshada labadii sano ee la soo dhaafay.

Soo jeedinta golaha Wasiirada ayaa ansax noqon doonta marka golaha baarlamanka Itoobiyo ay meel mariyo hindisahan.

Warbaahinta FANA ayaa soo werisay in bayaanka soo baxay xafiiska Ra'isul Wasaaraha lagu sheegay in labadan kooxood ay yihiin qaran dumis, isla markaana ay u shaqeeyaan sidii argagixisadii.

Sidoo kale dowladda Itoobiya waxay ku guda jirtaa hawlgallada ka dhanka ah OLA, oo ah koox milateri oo ka goostay Jabhadda Xoreynta Oromada, oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya.

Waxaa lagu eedeeyay inay dileen ugu yaraan 15 qof oo rayid ah, hase yeeshee dhinacooda waa beeniyeen inay dad shicib ah dileen.

XS
SM
MD
LG