Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India: Coronavirus oo hal maalin ku Dhacay Dad ka Badan 400,000


Kiisaska dadka laga helayo hirka labaad ee xanuunka COVID-19 ee dalka Hindiya ayaa Sabtida maanta ah kor u dhaaftay 400,000 oo qof, xilli ay dowladda Hindiya maanta shaacisay in tallaalka cudurkan lagaga hortagayo uu u furan yahay qof walba oo qaan-gaar ah.

Saraakiisha wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Hindiya ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaageliyay, 401,993 oo ah kiisas cusub oo cudurka COVID-19 ah, taasoo mar kale Hindiya ka dhigtay dalka 1-aad guud ahaan caalamka ee maalin gudaheed diiwaangeliya tiro intaasi la eg oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Tirada dadka u dhintay saacadihii ugu danbeeyay ee xalay ilaa maanta gudaha Hindiya ayaa kor u dhaaftay 3,523, taasoo ka dhigeysa guud ahaan dadka ilaa iyo hadda cudurkaan ugu dhintay Hindiya in ka badan 211,853.

Dowladda ayaa hadda ka raja qabta in tallaalka oo loo oggolaaday dhammaan dadka qaan-gaarka ah uu wax ka baddalo xowliga uu ku socdo faafista cudur-sidaha keena xanuunkan dilaaga ah.

Haseyeeshee, Hinidya oo ah dalka ugu weyn wax soo saarka tallaalka cudurka COVID-19 ayay saraakiishu sheegeen in aysan heysan tallaal ku filan dadkeeda oo kor u dhaafay 1 bilyan iyo 300 oo milyan oo qof. Gobollada qaar ayaa sheegay in aysan heysan tallaalka.

Dhanka kalana, ugu yaraan 18 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen gobolka galbeed ee Gujurad ee dalka Hindiya, kaddib markii uu dab qabsaday isbitaal lagu daweynayay dad uu soo ritay xanuunka COVID-19.

Saraakiisa ayaa sheegay in ay baarayaan sababta keentay dadbka aroortii hore ee Sabtida maanta ka kacay isbitaalka.

Dhanka kale, dowladda Australia ayaa markii ugu horreysay danbi uga dhigtay muwaadiniinteeda hadda ku sugan Hindiya dib ugu soo laabashada Australia sababo la xiriira cabsi ay ka qabto in dalkeeda uu ku faafo nuucyada cusub ee cudurka COVID-19 ee hadda faraha ba’an ku haya Hindiya.

Go’aan Jimcihii ka soo baxay dowladda Australia ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta reer Australia iyo kuwa deegaanka ku ah ee 14-kii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Hindiya aysan si ku meel-gaar ah ugu soo laaba karin carriga Australia.

Dowladda ayaa sheegtay in qofki amarkaasi jebiya uu muteysan doono ilaa 5 sano oo xabsi ah iyo 66,000 oo dollar-ka Mareykanka ah. Sharcigan ayaa dhagangalaya 3-da bishan May.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa Talaadada soo socota mamnuuci doona dadka aanan u dhalan Mareykanka ee uga soo safraya Hindiya, sababo la xiriira cudurka COVID-19 ee sida daran ugu sii baahaya Hindiya.

XS
SM
MD
LG