Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Xayyiraadihii COVID-19 oo la Qaaday


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Sabtida maanta ah qaaday xayiraadihii bishii hore loo soo rogay xakameynta COVID-19, iyadoo dib loo furayo baararka iyo maqaayadaha, goobaha cibaadada, iyo iskuulada, xilli kiisaska cudurku ay ka yaraanayaan dalkan ku yaal Bariga Afrika.

Xayiraadaha dhanka safarka ee caasimada Nairobi iyo afar gobol oo ku hareeraysan ayaa la qaadi doonaa, iskuullada ayaa loo ogolaan doonaa in ay dib u furmaan iyadoo la raacayo jadwalka wasaaradda waxbarashada. Goobaha lagu cibaadeysto ayaa qeyb ahaan dib loo furi doonaa, halka kulamada siyaasadeed ay weli mamnuuc sii ahaan doonaan, ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.

Bandow habeenkii ee haatan bilowda 8-da fiidnimo ayaa laga dhigi doonaa 10-ka habeenimo. Isbedellada ayaa dhaqan galaya saqda dhexe ee Sabtida maanta, ayuu yiri Kenyatta.

Xayiraadaha hadda la dabcinayo, Nairobi iyo gobollada ku xeeran ayaa loola dhaqmay sidii hal aag, iyadoo dadka laga mamnuucay in ay u safraan deegaannada kale.

Soomaalida ganacsiga ku leh Kenya ayaa durba soo dhoweeyay go'aankan, sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA, Intisaar Saalax Xuseen.

Soomaalida ganacsiga ku leh Kenya oo soo dhoweysay qaadista xayiraadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:01 0:00

Kiisaska Kenya, oo ah dalka ugu qanisan Bariga Afrika, ayaa hoos uga dhacay meeshii ugu sarreysay bishii la soo dhaafay laakiin weli waxa ay ka mid tahay shanta dal ee Afrika ee soo gudbiya tirada ugu badan ee kiisaska iyo dhimashada uu sababo COVID, sida ay tebisay Reuters.

Kenya ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay soo warisay 497 oo kiisas cusub ah 17 dhimasho ah, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka ee la sii daayay Jimcihii. Tirada kiisaska guud ee dalkaasi diiwaangeliyay ayaa ku dhow 159,000 oo kiis iyo ku dhowaan 2,700 oo dhimasho ah.

Isku soo duub, Afrika dhibaato ba'an kama soo gaarin cudurka safmarka ah sida qaybaha kale ee dunida, laakiin hay'adda ka hortagga cudurrada ee Midowga Afrika ayaa Khamiistii uga digtay dawladaha iyo muwaadiniinta qaaradda in aysan fududeysan halista cudurkan.

REUTERS

XS
SM
MD
LG