Dowladda gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa soo bandhigay qorshe maalmo kooban mushaarkooda lagu siinayo shaqaalaha la xanuunsada cudurka COVID19, balse ururrada shaqaalaha oo ay ku jiraan kuwa Soomaalida iyo xisbiyada mucaaradka ayaa saluugsan arrinkaasi.
Gobolka Ontario waxaa deggen Soomaalida ugu badan ee dalka Canada, waxaana warbixintan inooga soo diray wariyaheena Hussein Nuur Xaaji.