Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo si carro leh ugu jawaabay Biden


Recep Tayyip Erdogan
Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey kuna sheegay mid aan “sal lahayn” oo dhaawaceysa xiriirka labada dal, go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku aqoonsaday “xasuuqa” Armenia.

Erdogan ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka waxba u reeban Mareykanka, isaga oo xusay taariikhda Mareykanka ee addoonsiga, iyo dilalkii ay u gaysteen dadka dhaladka Mareykanka ah.

“Madaxweynaha Mareykanka wuxuu jeediyey hadallo aan sal lahayn oo aan daacad aheyn,” ayuu yiri Erdogan.

“Waxaan rumeysannahay in hadalladan lagu daray qoraalka kadib cadaadis ka yimid kooxo Armenian ah, ayna yihiin kuwa ka dhan ah Turkish-ka. Hase yeeshee xaaladdan ma yareyn doonto saameynta burburka leh ee hadalladan,”

Armenia ayaa sheegta in qiyaastii 1.5 milyan oo qof lagu dilay xasuuq ay gaysteen Cusmaaniyiinta intii uu socday dagaalkii koowaad ee adduunka.

Turkey ayaa sheegta in dad Armenian iyo Turkish ah labadaba la dilay xilli ay Cusmaaniyiinta la dagaalamayeen Ruushka iyo kooxo la saftay.

Hase yeeshee Turkey ayaa si xooggan u beenisa inay jirtay siyaasad xasuuq oo ula kac ah, islamarkaana ereyga “xasuuq” aan xilligaas si sharci ah loo qeexin.

Erdogan ayaa sheegay in Biden uu u baahan yahay “inuu muraayadda isku eego” marka uu xasuuq ugu yeerayo dhacdooyin dhacay qarni ka hor.

“Waxaan sidoo kale ka hadli karnaa waxa ku dhacay dadka dhaladka ah ee Mareykanka, dadka madow iyo wixii ka dhacay Vietnam,” ayuu yiri Erdogan.

AFP

XS
SM
MD
LG