Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta Yemen oo guulo ka gaaray dagaalka Marib


Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa guulo muhiim ah ka gaaray dagaalka ay ku dooneyso in ay ku qabsato goobtii ugu danbeysay ee waqooyiga ee ay dowladu maamusho, waxaana ay kooxdu ku sii dhowaanaysa bartamaha magaalada Marib inkastoo ay la kulantay khasaaro xoogan sida ay ilo wareedyo militari sheegeen maanta oo Axad ah.

Jabhadda ayaa si buuxda ula wareegtay waqooyiga-galbeed ee Kassara waxayna horumar ka sameeysay jiidaha hore ee galbeedka, inkastoo isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay duqeymo dhanka cirka ah ku bartilmaameedsanayaan.

Marib iyo goobaha saliidda ee ku hareeraysan ayaa ah dhulkii ugu dambeeyay ee waqooyi ee ay dowladdu gacanta ku heysay, iyadoo qeybaha kale ee waqooyiga oo ay ku jirto caasimadda Sanca ay maamusho kooxda Xuutiyiinta.

Ugu yaraan 65 qof ayaa ku dhintay dagaal qaraar oo dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay oo keliya, waxaana ku jiray 26 ciidamada daacadda u ah dowladda oo ay ka mid ahaayeen afar sarkaal, sida ay ilo-wareedyada dawladda u sheegeen AFP.

Haatan oo ay Xuuthiyiintu la wareegeen jiidda hore ee Kassara, dagaalladu waxa ay u weecdeen aagga Al-Mil, oo lix kilomitir u jira bartamaha Marib.
Laakin buuraha ku hareeraysan Al-Mil ayaa ah caqabad adag oo ka dhan ah ciidamada fallaagada oo ololahan dagaal bilaabay bishii Fberuary.

XS
SM
MD
LG