Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia: 200 oo qof oo ku dhintay dagaalka Oromada iyo Amxaarada


Tirada dadka ku dhintay iska horimaadyada labada qowmiyadood ee ugu tunka weyn Ethiopia, Oromada iyo Axmaarada, bishan ku dhex maray waqooyiga gobolka Amxaarada ayaa laga yaabaa in ay gaarto illaa 200, sida uu Axadda maanta ah Reuters u sheegay sarkaal ka tirsan dowladda.

Wararkii hore ayaa dhimashada ku koobay ilaa 50 qof.

Dadka deegaanka iyo saraakiisha ku sugan aaga gaarka ah ee Oromiya Special Zone, oo ah deegaan ku yaal gobolka Amxaarada oo ay ku nool yihiin dad u badan Oromo, iyo magaalada kale ee Ataye ayaa sheegay in dagaallo lagu hoobtay ay ka dhaceen aagaasi 16-kii bishan April.

“Sida ay tibaaxeyso xogta aan ka helnay dadka barakacayaasha ah, waxaan ku qiyaaseynaa in ilaa 200 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen labada aag, laakiin wali waxaan u baahannahay inaan xaqiijino tirade,” ayuu Reuters u sheegay Endale Haile oo ah sarkaalka horkacaya kooxda baarista ee dowladda.

XS
SM
MD
LG