Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykan: Qaadashada Tallaalka J&J oo la Fasaxay


Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa Jimcihii shalay hakad muddo 11 maalin ah saarnaa ka qaaday tallaalka looga hortago cudurka COVID-19 ay soo saarto shirkadda Johnson & Johnson.

Tallaabada lagu fasaxay tallaalkan ayaa ka danbeysay ka dib markii shalay gelinkii danbe ay guddi saynisyahanno ah gu’aamiyeen in faa’iidadiisa ay aad uga badan tahay khasaarihiisa.

Dowladda ayaa shaaca ka qaadday 15 qof oo ku xanuusaday tallaalkan ay sameyso shirkadda Johnson & Johnson, kuwaas oo qeyb ka ahaa ilaa 8 milyan oo ruux oo horay u qaatay.

Dhibbanayaasha oo uu tallalaka ku sababay xinjiro dhiiggooda ku dhex-sameysmay ayaa dhammaantood ahaa dumar ay da’doodu ka hooseeyso 50 sano. Saddex ka mid ah ayaa geeriyooday, halka 7 kalana ay wali isbitaalka yaallaan.

Xarunta Xakmeynta iyo Ka hortagga Cudurrada iyo Waaxda Cuntada iyo Dawooyinka Mareykanka ayaa labaduba shalay ku taliyay dib u amba-qaadidda tallaalka ka hortagga cudurka COVID-19 ee J&J.

Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale laga qaataa laba tallaal oo kale oo ay soo kala saareen Shirkadaha Pfizer iyo Moderna.

XS
SM
MD
LG