Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo baaraya weerarkii tooreyda ee lagu dilay gabar Boolis aheyd


Booliiska Faransiiska ayaa baaritaan ku wada shil ay ku sheegeen weerar argagixiso kaddib markii gabar booliis ah toorey lagu diley meel ka baxsan magaalada Paris.

Weerarkan ayaa ka dhacay degmo 60km dhacda koonfurta galbeed ee caasimada, waxaana gabadhan oo ahayd 49-jir lagu diley goob aan ka fogeyn saldhig booliis.

Booliska ayaa dhinaca kale toogtay nin 36jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia oo lagu tuhunsanaa inuu weerarkaas.

Warbixin ku saabsan amuurtan waxaa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOAda qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:54 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG