Dadka ku nool gobollada Ontario iyo Quebec ee dalka Canada ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka safarka ah, taasoo u diideysa inay u safraan gobollada kale ee dalkaas sababo la xiriira kororka xanuunka COVID-19.
Sida uu ku soo warramayo Wariyaha VOA ee dalka Canada Xuseen Nuur Xaaji, dowladda Federaalka Canada ayaa dhanka kale gurmad deg deg ah u dalabtay gobolka Ontario oo si joogta ah ay u kordhayaan kiisaska COVID-19.