Derek Chauvin oo ah askari horey uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow, ayaa shalay galab lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay.
Guddiga xeer-beegtida ahaa oo ka koobnaa 12 xubnoodd oo dhageysanayay intii ay dacwaddani socotay ayaa go'aan aqlibiyad ah ku gaaray in Derek Chauvin uu danbiile yahay.
Haddaba sidee ayuu ahaa dareenka dadka gobolka Minnesota iyo gobolada kale ee Maraykanka, ka dib markii lagu dhawaaqay go’aanka xeerbeegtida, maxaase dhici lahaa haddii dambiga lagu weyn lahaa Chauvin?
Maxamed Cabdi Sandhere ayaa su’aashaas iyo kuwo kaleba weydiiyey suxufiga rug caddaagga ah Cabdiraxmaan Sheekh Mursal, oo ka tirsanaa warfidiyeenadii Radio Muqdisho, haatanna ku sugan gobolka Minnesota.