Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tallaabo uu qaaday wasiirka difaaca Sweden oo ka carreysiisay Turkey


Peter Hultqvist, Wasiirka Difaaca Sweden
Peter Hultqvist, Wasiirka Difaaca Sweden

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa u yeertay safiirka Sweden ee Ankara, si ay uga ashtakooto xiriir dhex maray laba wasiir oo Swedish ah iyo xubnaha ka tirsan kooxda Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF), oo Ankara ay u aragto urur argagixiso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasi.

Turkey ayaa SDF u aragta inay ka tirsan tahay kooxda PKK ee Kurdish-ka ee dalkaas laga mamnuucay, taasi oo dagaal tobaneeyo sano socda ku qaadeysay Turkey. Ankara ayaa sheegta in kooxda Kurdish-ka Syria ee YPG, oo ah garabka militari ee SDF, ay ka dhalatay PKK.

Ilo-wareedyada Turkish-ka ayaa ayaa sheegay in safiirka Sweden looga wacay wasaaradda, sababo la xiriira wada-hadal video ah oo dhex maray Wasiirka Difaaca Sweden Peter Hultqvist iyo xubno sare oo ka tirsan SDF.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray in wada-hadalladan ay yimaadeen waxyar un kadib markii uu xiriir dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden Ann Linde iyo “argagixisada.”

Safiirka ayaa lagu yiri in Turkey ay “si xooggan u cambaareysay” xiriirka, islamarkaana “siyaasadaha halista ah ee Sweden aysan taageereyn kaliya kuwa beegsanaya madax-banaanida Syria iyo amniga Turkey, balse ay ka dhigan yihiin xadgudub cad oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga, ayna sidaas darteed waxyeeleynayaan xiriirkeena,” ayey yiraahdeen ilo-wareedyada.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sweden ayaa xaqiijisay in loo yeeray safiirka, waxayna sheegtay in dowladda aysan la kulmin ururada ku jira liiska ururada argagixisada ee Midowga Yurub.

Reuters

XS
SM
MD
LG