Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Derek Chauvin oo lagu helay danbi ah inuu dilay Goerge Floyd


Derek Chauvin oo ah askari horay uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka Goerge Floyd oo ahaa nin madow ayaa maanta lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay.

Chauvin ayaa lagu helay saddex danbi oo kala ahaa, darajada labaad ee dil aan qasdi aheyn, darajada saddexaad ee dil ula kac ah iyo darajada labaad oo ah dil aan ula kac aheyn.

Galabta xilliga magaalada Mineapolis, marki ay guddigi xeer-beegtida aheyd ay ku dhawaaqeen go’aankooda oo ahaa in Derek Chauvin uu danbiile yahay, ayaa markiiba waxaa bannaanka maxkamadda ka billowday dabaaldag ay sameeyeen ehelka iyo taageerayaasha Goerge Floyd iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bulshada madow.

Floyd ayaa sannadki hore u dhintay neef-xiran, kaddib marki uu muddo 9 daqiiqo ah uu surka jilibkiisa ugu taakeeyay Derek Chauvin oo markaasi ahaa askari ku jira waajibaadkiisi shaqo.

Muuqaalkii laga duubay dhacdada ayaa kiciyay, mudaaharaadyo ruxay Ameerica lagana dareemay inta badan caalamka.

Chauvin ayaa la xiray kaddib markii lagu dhawaacay xukunkiisa, iyadoo garsooraha maxkamadda degmada Hennepin uu laalay damaanaddii uu bannaanka ku joogay, wuxuuna sugi doono ciqaabta dambigii lagu helay, kaas oo sideed todobaad kaddib lagu dhawaaqi doono.

Warbixin iyo wareysiyo arrintan la xiriira hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Go'aanka Dacwadda D. Chauvin
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:00 0:00



XS
SM
MD
LG