Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay xiisadda la xiriirta Faransiiska ee u dhaxeysa dowladda iyo Islaamiyiinta Pakistan?


Booliska Pakistan iyo taageerayaasha TLP oo is hor-taagan, magaalada Lahore
Booliska Pakistan iyo taageerayaasha TLP oo is hor-taagan, magaalada Lahore

Kow iyo toban sarkaal oo boolis Pakistani ah, oo ay qabsadeen taageerayaasha koox Islaamiyiin ah oo mayal-adag oo wada olole la doonayo in safiirka Faransiiska dalka looga eryo, ayaa lasii daayey, sida ay maanta sheegeen saraakiil.

Saraakiishan ayaa waxaa Axaddii afduubtay taageerayaasha kooxda Tehreek-e-Labbaik Pakistan (TLP) intii uu socday dibad-bax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Lahore.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan Sheikh Rashid Ahmed ayaa sheegay in booliska lasii daayey maanta kadib “wada-xaajood” lala galay TLP, oo dowladda ay mamnuucday toddobaadkii tegay kadib markii ay ku calaameysay urur argagixiso.

Saraakiisah ayaa waxaa lagu hayey masjid ay ku xooggan yihiin TLP oo ku yaalla magaalada Lahore, kaasi oo ay hadda ka buuxaan taageerayaasha, booliskana ku hareereysan yihiin.

“Wada-xaajoodyo ayaa lala billaabay TLP; wareeggii koowaad waxay kusoo dhammaadeen guul. Waxay sii daayeen 11 boolis,” ayuu Sheikh Rashid Ahmed ku yiri Video lasoo dhigay twitter.

Waxa uu intaas ku daray in wareegga labaad ee wada-xaajoodyada ay dhici doonaan goor dambe oo maanta ah, inkasta oo aysan caddeyn waxa ay ka wada hadli doonaan.

Kooxda TLP ayaa horey ugu qabatay 20-ka April in dalka laga eryo safiirka Faransiiska.

Kooxdan ayaa ka dambeysay olole ka dhan ah Faransiiska oo bilooyin socda tan iyo markii madaxweyne Emmanuel Macron uu difaacay “xuquuqda” uu wargeyska Charlie Hebdo u leeyahay inuu daabaco sawirro lagu shabahayo Nebiga NNKH, taasi oo aysan diinta Islaamka ogoleyn.

Dibad-baxyo curyaamiyey magaalooyin

Toddobaadkii tegay, safaaradda Faransiiska ee Pakistan ayaa kula Talisay muwaadiniinteeda inay dalka ka tagaan – baaqaas oo u muuqda inaan la dhageysan.

“Dadka TLP waxay galeen gudaha Masjidka, booliiska-na dib ayey uga degeen,” ayuu yiri Rashid.

“Waxaan rajeynayaa in arrimaha harsan lagu xalliyo wareegga labaad.”
Dibad-baxyo rabshado wata ayaa ruxay dalka toddobaadkii tegay tan iyo markii hoggaamiyaha TLP lagu xiray Lahore kadib markii uu ku dhawaaqay dibad-bax ka dhaca caasimadda Islamabad.

Mudaaharaadyada ayaa curyaamiyey magaalooyin waxayna sababeen dhimashada lix boolis ah.

Hoggaamiyayaasha TLP ayaa iyaguna sheegay in dhowr ka mid ah taageerayaasha xisbiga lagu dilay isku dhacyadii Axaddii.

“Ma aasi doonno illaa safiirka Faransiiska laga eryo,” waxaa sidaas farriin muuqaal ah ku yiri Allama Muhammad Shafiq Amini oo ah hoggaamiye ka tirsan TLP oo ku sugan Lahore.

Dowladda Ra’iisul Wasaare Imran Khan ayaa sanado la xirbineysa inay wiiqdo TLP, hase yeeshee waxay toddobaadkan ku dhowaaqday mamnuucis kama dambeysay oo ka dhan ah kooxda – ayada oo ku calaameysay urur argagixiso.

Sidaas oo ay tahay, haddana Khan wuxuu Sabtidii sheegay in kooxdan aan loo mamnuucin fikradaheeda balse loo mamnuucay xeeladaheeda.

“Aan u caddeeyo dadka halkan iyo dibedda-ba. Dowladdeena waxay tallaabo ka qaaday TLP, ayada oo loo marayo sharciga ka hor-tagga argagixisanimada kadib markii ay la loolameen sharciga dalka, ayna billaabeen rabshadaha waddooyinka iyo inay weeraraan booliska iyo sharci-fuliyayaasha,” ayuu ku qoray twitter-ka.

AFP

XS
SM
MD
LG