Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey xiisad ka taagan Minneapolis


Minneapolis
Minneapolis

Ugu yaraan 24 qof ayaa la xiray, kaddib marki boqollaal qof oo dibadbaxayaal ah ay isku dhaceen ciidanka booliska degmada Brooklyn City ee duleedka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Dadkaan ayaa ka careysan, dilka wiil dhalinyaro ah oo madow ah oo isaga oo aanan hubeysneyn ay dishay haweeneey caddaan ah oo ka tirsaneyd ciidanka booliska gobolka Minnesota.

Koox ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa iyaga oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah booliska ku dhawaaday teed ka sameysan silig oo lagu gadaamay bannaanka saldhiga booliska ee magaalada Brookyln City, halkaas oo ay si saf ah ugu tixnaayeen ciidanka ilaalada saldhiga.

Dibadbaxayaasha ayaa dhanka ciidamada u tuurayay walxo, halka saraakiisha booliska ay kusoo dhawaanayeen dadka halkaasi ku bannaanbaxayay, iyaga oo ku buufiyay baasbaaska gasacadeysan ee la buufiyo.

Dhacdo tan la mid ah ayaa habeenki Talaadada isla goobta ku dhexmartay bannaanbaxayaasha iyo ciidanka booliska. Booliska waxay dadkaasi ku kala eryeen suntda dadka ka ilmeysiisa, rasaasta caagga ah iyo bambooyinka aanan laheyn walxaha qarxa.

Booliska waxay sheegeen, in bannaanbaxyadi xalay ay u muuqdeen kuwo ka nabaddoon, dibadbaxii habeenki Talaadada. Waxyar kaddib marki uu billowday xilligi bandowga oo ku beegneyd xalay 10-ki habeennimo ayay booliska oo kaashanaya ciidanka Ilaalada Qaranka ay u dhaqaaqeen in ay kala eryaan bannaanbaxayaasha. Ciidamu waxay sheegeen in ay xireen in ka badan 20 qof. Tiradaas ayaa ka yar tii Talaadadi oo lagu qabqabtay dad gaaraya 72 ruux.

Daunte Wright, oo ahaa 20 jir, ayaa Axaddi aanu kasoo gudubnay ku dhintay gacanta haweeneey caddaan ah oo ka tirsaneyd booliska Minnesota. Booliska ayaa joojiyay baabuurka Daunte, kaddib marki looga shakiyay in warqadda diiwaangelinta baabuurkiisa ay dhacsaneyd. Daunte ayaa marki la xirayay la halgamay haweeneydi xireysay Kimberly Potter, oo 48 jir ah.

Kim ayaa halki ay kala soo bixi laheyd aaladda koronta riddo ee ay boolisku adeegsadaan, kala soo baxday bistooladeedda, kaddibna toogatay Daunte. Saraakiisha ayaa dilka wiilkani ku sheegay mid ku dhacay si shil ah.

Kim iyo taliyaheedii qeybta booliska ee degmada Brooklyn City ayaa iska casilay shaqada. Arbacadi ayaa dilka Daunte loo xiray Kimberly Potter oo muddo 26 sano ah ka tirsaneyd ciidanka booliska gobolka, kaddibna lagu soo oogay danbi ah in ay si aanan qasdi aheyn u dishay qof aan hubeysneyn.

Dilka wiilkan dhalinyarada ah ayaa sii kiciyay carada dadka madow ee gobolka Minnesota oo maalmahan si taxaddar leh indhaha ugu hayay dacwadda askari hore oo loo heysto dilka George Floyd loogu geystay magaalada Minneaolis bishi May. Floyd ayaa ahaa 46 jir madow ah.

Bannaanbaxyada ka dhashay dilkiisa ayaa ruxay Mareykanka iyo guud ahaan caalamka.

XS
SM
MD
LG