Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo ciidamada Mareykanka ka soo saaraya Afghanistan


US troops
US troops

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaco lagu wadaa inuu ku dhawaaqo in Mareykanku uu dhammaan ciimadamadiisa kala soo bixi doono waddanka Afghanistan 11-ka bisha September ee sanadkan.

Maalintan ayaa ku beegan sanad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday xarunta gacansiga adduunka iyo wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki ayaa warfidiyeenka u sheegtay in madaxweynuhu ku dhawaaqayo go'aankan, taas oo ay ku tilmantay in dariiqa ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo danaha Mareykanka ee Afghanistan inay tahay in la joojiyoo dagaalka 20-jirsaday ee Afghanistan.

"Madaxweynuhu mar kasta wuxuu aaminsanaa in awood milatari aysan xal u noqon karin Afghanistan" ayay tiri Psaki.

Ilaa iyo 3000-kun oo ciidanka Mareykanka ah ayaa sii joogi doona Afghanistan wixii ka dambeya 1-da May oo ku asteysan xilligii maamulkii madaxweyne Donald Trump iyo Taliban ay isku afgarteen in ciidanka Mareykaku uga baxaan Afghanistan.

"Muddo dheer ayaan ogeyn in xoog milatari aanu xallin doonin caqabadaha siyaasadeed iyo isku dhacyada gudaha Afghanistan, sidaa daraadeed waxaan soo af-jareynaa howlgaladeena milatari, si aan diiradda u saarno dadaalladeenna ku aadan taageerada diblomaasiyadeed ee dadaallada nabadda ee socda" ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden.

Dowladda Turkey ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay martigalin doonto shir nabadeed oo muddo 10-maalmood ah socon doona, kaas oo billaabanaya 24-ka April, una dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya Afghanistan, hase yeeshee afhayeen u hadlay Taliban oo fadhigiisu yahay magaalada Doha ee wadanka Qadar ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in ilaa inta ciidamada shisheeye ay gabi ahaanba ka baxayaan Afghanistan aysan ka soo qeybgali doonin shir go'aan looga gaarayo arrimaha Afganistan.

Warka ku saabsan go'aanka ka bixintaanka ciidmada ee Biden ayaa imaanaya maalin kaddib markii hey'adda sirdoonka Mareykanka ay sheegtay inaysan u badneyn in la gaaro heshiis nabadeed ilaa sanadka soo socda, isla markaana Taliban oo cadów ku ah dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Afghanistan ay guulo ka gaari doonto dagaallada ay iskaga horyimaadaan.

"Dowladda Afghanstan waxay la halgami doontaa inay iska celiso Taliban haddii isbaheysiga dowladda uu kabaxo Afghanistan" ayaa lagu yiri warbixin uu shaaciyay xaafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka.

Husain Haqqani oo ah safiirkii hore ee Pakistan u fahdhiyay Mareykanka, hadana ah agaasimaha machadka cilmibaarista koofurta iyo bartamaha Asia ee Hudson Institue ayaa VOA u sheegay in su'aasha dhabta ah ee ay tahay in Mareykanku ka jawaabo ma sii wadi doonaa taageerada ay siiyaan xukuumadda Kabul iyo Shacabka Afghanistan, si ay iskaga celiyaa Taliban

XS
SM
MD
LG