Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay xiisadda Donbass


recep tayyip erdogan
recep tayyip erdogan

Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii ku baaqay in la soo afjaro ismari-waaga walwalka leh ee ka taagan gobolka Donbass ee dalka Ukraine.

Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa yimid, ka dib kulan albaabada u xirnaa oo muddo saddex saacadood ah qaatay oo uu magaalada Istanbul kula qaatay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Erdogan ayaa u sheegay dhiggiisa Ukraine in Turkey uu diyaar u yahay in uu taageero Ukraine, haddii loo baahdo. Kulankaas ayaa yimid xilli ay kacsantahay xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine oo isku heysta colaadda ka oogan bariga dalka Ukraine.

Isaga oo ka dhinac hadlayay madaxweyne Zelensky, ayuu madaxweyne Erdogan sheegay in uu rajeynayo in colaadda labada dhinac lagu xalliyo si nabad ah, iyadoo loo sii marayo wadahadallo ku saleysan diblumaasiyad, islamarkaana la ilaaliyo madaxbannaanida dhuleed ee Ukraine iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah.

Xukuumadda Kyiv ayaa ka walaacsan ciidamo ka tirsan militariga Ruushka oo la soo dhoobay xadka Ukraine iyo colaadda ka taagan gobolka Donbass oo sare u sii kacday.

Gobolkaas ayaa waxaa ku nool muwaadiniin reer Ukraine ah oo ku hadla luqadda Ruushka, waxana ay in muddo ahba u dagaallamayaan in ay ka go’aan Ukraine.

Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu todobaadka soo socda uu laba markab oo dagaal u diro Badda Madow, si uu taageero ugu muujiyo Ukraine.

XS
SM
MD
LG