Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Masar, Sudan iyo Ethiopia


Wadahadalladii dalalka Ethiopia, Masar iyo Sudan uga socday magaalada Kinshasa ee dalka Kongo ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday ka dib markii Masar iyo Sudan ay si wadajir ah u diideen soo jeedinta Ethiopia ee ah wadaagista xogaha la xiriira biyaxireenka ay ka dhisayso wabiga Nile, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ethiopia ayaa ka dhabeynta rajadeeda horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta korontadeeda ay ku xiran tahay dhismaha biyo xireenka, kaas oo Masar ay ka cabsi qabto inuu halis galiyo kheyraadkeeda.Sudan ayaana sidoo kale ka walaacsan inuu saameyn ku yeesho biyaha ay wabiga Nile ka hesho.

Addis Ababa ayaa Sudan iyo Masar ku casuumtay inay magacaabaan guddi ka shaqeeya is dhaafsiga xogaha ka hor inta aan la buuxin biyaxireenka xilli roobaadyada soo socda sida ay Sabtidii bogeeda Twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia.

Laakiin Qaahira iyo Khartuum ayaa ku adkeysanaya inay raadiyaan heshiis sharciyad leh oo ku saabsan biyaxireenka kaas oo Addis Ababa ay sheegtay inuu fure u yahay horumarka dhaqaalaheeda.

Kadib kalankii Kinshasa, Ethiopia ayaa hoosta ka xarriiqday in buuxinta sanadka labaad ee mashruuca biyaxireenka uu ku socon doono sidii loogu talagalay.

Reuters

XS
SM
MD
LG