Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudi Carabiya oo xukun dil ah ku fulisay 3 askari oo ‘la saftay cadowga'


Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ugu fulisay saddex askari “khiyaano qaran”, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga, oo ku eedeysay inay la jirsadeen cadow aan la shaacin.

Dilkan ayaa yimid ayada oo ololaha militari ee Sacuudiga uu hoggaaminayo uu kasii xoogeystay dalka deriska ah ee Yemen, islamarkaana dhaxal-suge Mohammed bin Salman uu xajistay awoodda.

Saddexda askari ayaa waxaa lagu helay “dambi ah khiyaano qaran oo weyn iyo la shaqeynta cadowga, taasi oo halis gelineysa boqortooyada iyo danaheeda militari,” sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda oo ay baahisay wakaaladda wararka Sacuudiga ee Saudi Press Agency.

War-saxaafadeedka ayaa magacyada saddexda askari ku sheegay Mohammed bin Ahmed, Shaher bin Issa iyo Hamoud bin Ibrahim – ayada oo aan la shaacin cidda ay tahay cadowga ay la shaqeeyeen.

Sacuudi Carabiya ayaa Iran u aragtay cadowgeeda koowaad ee gobolka, halka Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto loo arko inay halis weyn oo amni ku yihiin boqortooyada.

War-saxaafadeedka wasaaradda ee lagu shaaciyey dilka saddexda askari ayaa ah mid naadir ah, ayada oo boqortooyada lagu yaqaan inay si weyn u qariso arrimaha ciidamada.

“Xaqiiqda ah in magacyada marxuumiinta la shaaciyey waxay ka dhigan in Sacuudiyiinta ay u arkaan dambiyada lagu tuhumay kuwa aad u darran, sidaas darteedna ay u mudan tahay in ciqaabtooda laga dhigo tusaale,” waxaa sidaas yiri David Des Roches, oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadda Aasiyada Dhow iyo Koonfurta Asia ee fadhiggeedu yahay Washington.

AFP

XS
SM
MD
LG