Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Dagaal culus oo ka socda gobolka Marib


Dagaalka loogu jiro gacan ku heynta gobolka muhiimka ah ee Marib ee dalka Yemen ayaa sii xoogeystay, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ku dhinteen 53 dagaalyahan oo isugu jira ciidamada taabacsan dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa isku dayaysa inay la wareegto gobolka saliidda hodanka ku ah ee Marib.

“Fallaagadu waxa ay ku guuleysteen in ay xoogaa dhul ah ku qabsadaan" dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay waqooyi-galbeed magaalada, laakin magaalada kama jirto wax khatar ah, ilo millatari oo taageera dowladda ayaa sidaasi sheegay.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in 22 ka tirsan ciidamada dowladda oo ay ku jiraan shan sarkaal la dilay, iyadoo 31 ka tirsan fallaagada ay ku dhinteen dagaalka.

Xuuthiyiinta ayaan sheegin tirada askarta uga dhinta dagaallada kooxdu qaaddo.

Kooxdan oo ay taageerto dowladda Iran ayaa sanadkii 2014 la wareegtay gacan ku haynta caasimadda Sanca oo 120 km dhanka waqooyi kaga beegan Marib.

Taasi ayaa keentay in isbahaysiga ay Saudi Arabia hoggaamiso uu bishii March ee 2015-kii soo farageliyo dagaalka si loo taageero dowladda.

Saraakiisha militariga ayaa Sabtida maanta ah sheegay in diyaaradaha isbahaysiga ay qaadeen duqeymo ka dhan ah fallaagada, laakiin Xuuthiyiinta ayaa sii xoojiyay weerarkooda.

Luminta gacan ku heynta Marib ayaa dharbaaxo culus ku noqon doonta dowladda Yemen ee fadhigeedu yahay magaalada koonfureed ee Cadan iyo isbahaysiga Sacuudiga.

Waxa ay sidoo kale horseedi kartaa musiibo bini'aadanimo, maadaama tiro aad u badan oo rayid ah oo ka soo barakacay dagaallo ka dhacay meelo kale oo dalka ah ay ku nool yihiin xeryo ku yaalla gobolka Marib.

Ku dhowaad 140 xero ayaa ka furan gobolka kuwaasi oo hooy u ah barakacayaal gaaraya ilaa laba milyan oo qof sida ay sheegtay dowladda Yemen.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarrada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaaddo Saudi Arabia, iyadoo dalbaneysa in la furo dekedaha iyo hawada Yemen.

Waxa ay diiday soo jeedin ka timid Sacuudiga oo ah in xabadda la joojiyo.

AFP

XS
SM
MD
LG