DJIBOUTI —
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan.
Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan.
Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Djibouti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.
Ramadaan Muuse ayaa warbixintan ka soo diray Djibouti.