Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii madaxda Soomaalida oo natiijo la'aan ku idlaaday


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Shirkii u socday madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleeddyada ayaa ku idlaaday natiijo la’aan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu daabacay telefiishanka qaranka Soomaaliya ayaa dawladda waxay eedda guuldarrada shirarka guuldarraystay saartay madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland. Dawladda ayaa sheegtay in labada madaxweyne ee maamul goboledyadaasi ay diideen in dooarshada lagu saleeyo heshiiskii September 17-keedii.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacansayray eedda ka timid dawladda federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul goboleed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaa sheegay inaysan ka warqabin shir fashilmay.

Shirar hordhac ah ayaa Sabtidii ka bilowday Muqdisho, kuwaasi oo dhinacyadu doonayeen inay iskaga soo dhowaadaan ajandaha shirarka soo socda. Ma cadda tallaabada xigi doonta.

XS
SM
MD
LG