MINNEAPOLIS —
Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa toddobaadkii labaad ka socota maxkamadeynta Derek Chauvin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska magaaladdaas, kaas oo lagu soo eedeeyay inuu si ula kac ah u dilay George Floyd oo ka mid ahaa bulshada madowga ah ee Mareykanka ah.
Dacwad qaadistan ayaa maalinba maalinta ka dambeysay ay imaanayaan caddeymo iyo marqaatiyal horleh oo ka dhan ah qaabkii boolisku ay ula dhaqmeen Floyd.
Halka ay dacwad qaadistu mareyso iyo wararkii ugu dambeeyey, waxaa warbixintan kusoo koobaya Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue).