Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faallo: Xasillooni kusoo dabbaalidda gobolka Sahel


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Mareykanka waxa uu la shaqeynayaa gobolka Sahel ee Africa – oo ku teedsan xeebta Atlantic ee Senegal ee galbeedka illaa xeebaha Badda Cas ee Sudan. Waxaa badanaa loola jeedaa shan dal oo ku yaalla Galbeedka Afrika, looguna yeero “G5-Sahel,” oo ay ku jiraan Burkina Faso, Chad, Mali, Mauritania, iyo Niger.

“Waxaan halkan u joognaa inaan idinla shaqeyno oo aan gacan ka gaysano nabad, xasilooni iyo dowlad wanaag ay helaan shacabka Sahel,” waxaa sidaas yiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee Arrimaha Siyaasadda David Hele, oo hadal u jeediyey Isbaheysiga Caalamiga ah ee heer wasiir ee Sahel.

Xasillooni darrada ayaa sare uga sii kaceysa gobolka Sahel, inkasta oo isbaheysigaa ay ka wada-shaqeynayaan inay kala dhantaalaan shabakadaha argagixisada. Tirada dadka ku barakacay bartamaha Sahel ayaa iminka 11 goor ka badan heerkii ay joogtay laba sano kahor. Tirada dadka wajahaya gaajada darran ayaa saddex jibaarantay sanadkii tegay.

Ayada oo al eegayo xaaladdan liidata, Hale ayaa ku dhowaaqay in ka badan 80 milyan oo dollar oo ah kalamo bani’aadannimo oo dheeraad ah oo gobolka la siinayo.

“Innaga oo ka shaqeyneyna inaan fududeyno silica, waxaan dib u ballan-qaadeynaa ka taageeridda saaxiibadeena Afrika shaqooyinka wax looga qabanayo rafaadka iyo arrimaha sababaya dagaalalda,” ayuu yiri.

Dadka miyiga degan waxay u baahan yihiin adeegyada aas-aasiga ah iyo tallaabooyin dhiiri-gelinayan fursdaaha dhaqaale, islamarkaana xalinaya khilaafyada muddada fog. Tani waxay gacan ka gaysan kartaa in laga hortago waxa u sahlaya argagixisada inay qortaan dagaal-yahano, iyo dagaallada bulshada dhex-deeda ah.

Waxaa taas dheer, bulshooyinka la liido iyo dhammaan shacabka gobolka – gaar ahaan kuwa aan kuraas awood badan ku laheyn dowladaha – waxay u baahan yihiin inay cod ku yeeshaan sida loo maamulayo.

Dowladaha waa inay sidoo kale ilaaliyan shacabkooda. Marka ay ciidamada ammaanka ku xadgudbaan xuquuqda aadanaha, dowladuhu waa inay la xisaabtamaan.

Xasilloonida Mali waxay muhiim u tahay gobolka oo dhan, sida uu xusay kaaliya Hale.

“Waxaa bogaadineynaa sida ay dowladda ku-meel gaarka ah uga go’an tahay maamul wanaagga muddada fog, la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo isbeddalada amni. Si kastaba, waxaan rumeysannahay in fulinta isbedeladaas inay hadda bilowdaan, laguna wareejiyo dowlad si dimoqraadi ah loo doortay kahor waqtiga loo qabtay ee ku eg April 2022, sida dowladda ku-meel gaarka ah ay ogolaatay,” ayuu yiri Hale.

Dowladaha dimoqraadiga ah waxay caddeeyeen inay yihiin kuwa ka degan, ka furfuran, ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, gacan ka gaysta kobaca dhaqaalaha, oo aan u jilicsaneyn dagaallada, marka lala barbardhigo kuwa aan dimoqraadiga aheyn.

“Waxaan sugeynaa inaan sii wadno shaqada aan la hayno saaxiibadeena Africa iyo Yurub,” ayuu yiri David Hale. “Si aan gacan uga gaysano abuuridda Sahel degan oo barwaaqo ah.”

XS
SM
MD
LG