Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay Muqdisho


Qarax ka dhacay Muqdisho
Qarax ka dhacay Muqdisho

Lix qof ayaa ku geeriyootay afar kalena wey ku dhaawacmeen qarax xalay i lagu bartilmaadsaday maqayaad ay dadka shacab ah ku fiidsanayeen oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Sadiq Cali Aadan ayaa sheegay in dadka geeriyooday uu ku jiro ilmo yar iyo qofkii ismiidaamiyay. Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhoweyd wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo saldhig boolis.

Warkan waxa muqdisho nooga soo diray wariyahayaga Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle.

Faahfaahinta Qaraxa.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:29 0:00


XS
SM
MD
LG