Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo ka aargudatay tallaabo ka dhan ah oo ay qaaday UK


Dowladda Kenya oo si kulul uga hadashay go’aankii ay Dowladda UK ay dalkeeda ugu dartay liiska waddamada cas ee uu aadka ugu badanyahay cudurka COVID-19.

Go’aan UK ayaa dhigayay in laga bilaabo 9-ka bishan aysan dalka UK u safri karin dadka ka imaanaya waddamo ay Kenya ku jirto.

Kenya oo qaadatay tallaabo ay go’aanka UK uga falcellinayso ugana aargudaneyso ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta UK iyo sidoo kale dadka rakaabka ah ee soo dhexmara dalka UK ee Kenya imaanaya ay Kenya hadda kadib karantiili doonto ilaa 14 maalmood, kuwaasoo ay iyaga iska bixin doona kharashka hoteellada iyo goobaha lagu karantiili doono.

Warbixintan waxa Nairobi nooga soo diray wariyahayaga Khadar Maxamuud Xareed.

Kenya oo ka aargudatay tallaabo ka dhan ah oo ay qaaday UK
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:41 0:00


XS
SM
MD
LG