Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Askari Booliis ah oo Lagu Heley Xag-jirnimo


Toddobaadkan ayaa sarkaal ka tirsan booliiska Ingiriiska lagu heley denbi ah in uu xubin ka yahay koox naasiyiin ah oo mamnuuc ka ah dalka Britain.

Ninkan booliiska ah ayaa lagu helay in uu haystay alaabada ay isticmaalaan dadka argagixisada ah iyo fikrado ay ka mid yihiin ra'yigii uu aaminsanaa ninkii u dhashay dalka Norway Anders Behring Breivik oo 2011-kii dad badan toogasho ku laayay.

Benjamin Hannam oo 22 jir ah ayaa ka tirsanaa booliiska magaalada London, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay askarigii ugu horreeyay booliiska ee isaga oo shaqada ku jira lagu helay denbi ah argagixiso.

Warbixin amuurtaas ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo diray wariyaha VOA-da yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil

Askari Boolis ah oo Dalka Britain lagu Heley inuu Xagjir Yahay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00


XS
SM
MD
LG