Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ku soo noqday heshiiskii Nukliyeerka Iran


Iran iyo quwadaha caalamka
Iran iyo quwadaha caalamka

Xubno ka kala socda Dowladaha Mareykanka Iyo Iran ayaa todobaadka soo socda u safari doona magaladda Vienna ee wadanka Austria, halkaas oo ay uga qeybgali doonaan dadaalladda dib u soo nooleynta heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015 dhex marary Iran iyo quwadaha caamalka.

Inkasta oo aysan labada dal yeelan donin wada hadallo fool-ka-fool ah sida ay sheegeen diblomaasiyiinta ku sugan Vienna, hadana ka qeybgalka labada dhinac ee dib u yagleelidda heshiiskan ayaa diblomaasiyiintu ku sheegeen inuu yahay astaan billow ah.


Iran, China, Russia, Frannce, Germany, iyo Ingiriiska oo dhamaantood qeyb ka ahaa heshiiskii Nukliyeerka Iran ayaa jimcaha maanta ah ka wada hadlay dib u soo noqoshada Mareykanka iyo sidoo loo xoojin lahaa fulinta heshiiskii 2015.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donal Trump ayaa gebi ahaanba ka baxay heshiiskaas sanadkii 2018, isagoo dib u soo celiyay cuna qabateyntii Mareykanka ee Iran, taas oo Iran dhinaceeda lagu eedeeyay inay ku xad gudubtay heshiiskan, hase yeeshee waxaa dib u soo celiyay wada hadadladan heshiiskan Joe Biden oo hore u ballan qaaday inuu soo noqon doono miiska Iran lagula xaajoonayo.

XS
SM
MD
LG