Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey Soomaalida dibad-baxyada ka wada Indonesia


Jakarta
Jakarta

Soomaali tahriibayaal ah oo muddo ku xanniban dalka Indonesia, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Jakarta, ayaa dalbanaya in dalkooda dib loogu celiyo.

Soomaalidan ayaa rajo ka qabay inay usii tahriibaan dalka Australia, hase yeeshee dowladda Australia ayaa adkeysay shuruucda lagula macaamilo tahriibayaasha, ayada oo billowday inay dib u celiso ama ay gayso jasiirado kale oo ku dhow Australia.

Arrintan ayaa imaneysa ayada Soomaalida Jakarta ay dhowaanahan dibadbaxyo ka dhigayeen xarunta hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ee magaalada Jakarta.

Wariyaha VOA ee qaaradda Australia Ibraahim Cumar Baafo, oo la xiriiray Jakarta ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Melbourne.

Wararkii ugu dambeeyey Soomaalida dibad-baxyada ka wada Indonesia
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00


XS
SM
MD
LG