Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Xildhibaanada Soomaalida oo diiday go'aanka dowladda


Xildhibaanka dagmada Dhadhaab oo ah dagmada marti galisay xerada qaxootiga dunida uu gu wayn Dr Mohamed Dahiye Ducaale ayaa sheegay in uusan sharci u haysan wasiirka aminga rarida qaxootiga Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa shalay sheegay inuu ku wargeliyey Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCRF inay muddo 14 maalmood gudahood ah ku keento qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee ku yaal Kenya.

Farriintan Matiang'i ayaa lagu qoray barta twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya. UNHCR ayaan weli ka jawaabin hadalka Kenya.

Xildhibaan Mohamed Dahiye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed la dulminayo, islamarkaana shacabka degaankana aysan ogaleyn in lagu xadgudbo.

Weriyaha VOA ee Gaarisa Maxamed Faarax Shire ayaa wareystay xildhibaanka.

Kenya: Xildhibaanada Soomaalida oo diiday go'aanka dowladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG