Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Ahmed oo qirtay in ciidanka Eritrea galeen gobolka Tigray


Abiy Ahmed
Abiy Ahmed

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Talaadadi marki ugu horreysay xaqiijiyay, in ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea gudaha u galeeb gobolka Tigray, inti lagu guda jiray dagaalka sokeeye ee gobolkaasi ka socda.

Kaddib muddo bilooyin ah oo ay dowladda Itoobiya ka meer-meeraysay qirashada ah in ay ciidanka Eritrea joogaan gobolka Tigray, ayuu shalay Abiy Ahmed u sheegay baarlamaanka Itoobiya, in sababta ciidanka xukumadda Asmara ay uga soo tallaabeen xadka ay tahay, cabsi ay ka qabeen weerar uga yimaada dhanka jabhadda TPLF.

Ciidanka TPLF ee u dagaallama xorriyadda gobolka Tigray ayaa dhowr jeer madaafiic ku garaacay Eritrea tan iyo inti ay waqooyiga Itoobiya ka billowdeen colaadda sokeeye.

Abiy ayaa sidoo kale marki ugu horreysay qiray, in ay dhaceen gabood-fallo ay ka mid yihiin kufsi intii uu socday dagaalka gobolka Tigrayda, isaga oo ballan-qaaday in la ciqaabi doono kuwi falkaasi ka danbeeyay.

Colaadda ka taagan gobolka Tigray ayaa billaabatay 4-ti bishii November ee sannadki hore, kaddib marki ciidamo daacad u ah jabhadda (TPLF) oo hora yuga tirsanaa ciidanka dowladda ay weerareen, saldhig millatari oo ay ciidanka dowladda federaalka Itoobiya ku lahaayeen gobolka Tigray.

XS
SM
MD
LG