Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Waqooyi oo mar kale gantaallo tijaabisay


Kim Jong Un oo daawanaya gantaal cirka loo tuuray. July 31, 2019.
Kim Jong Un oo daawanaya gantaal cirka loo tuuray. July 31, 2019.

Qalabka Warbaahinta Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku warramay, in Kuuriyada Waqooyi ay dhammaadki todobaadki hore tijaabisay ugu yaraan laba gantaal oo ah nuuca riddada gaaban.

Wargeyska Washington Post oo marki ugu horreysay warbixintaan faafiyay ayaa sheegay, in gantaalladaasi ay ahaayeen kuwi ugu horreeyay ee ay xukuumadda Pyongyang riddo ku dhawaad muddo hal sano ah.

Ma jirto faah-faahin ku aadan nuuca saxda ah ee gantaallada, goorta la tuuray iyo inta ay la egtahay fogaanta ay gaareen. Sidoo kale ma jirto war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha dhanka difaaca ee dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed oo ku aadan gantaalladaasi la sheegay in ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Hase ahaatee, haddii si rasmi ah gantaalladaasi loo xaqiijiyo ayaa waxay ku soo aadi doonaan, maalmo kaddib marki ay Xoghayayaasha Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga Mareykanka, Lloyd Austin iyo Antony Blinken booqdeen dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Japan.

XS
SM
MD
LG