Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka Colorado


Toogasho ka dhacday suuq ku yaalla gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa habeenkii Isniinta lagu dilay ugu yaraan 10 qof, oo uu ku jiro sarkaal boolis oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee gaara goobta si uu uga jawaabo dhacdadan, waxaa sidaas sheeegay mas’iiliyiinta.

Booliska ayaa xiray qof lagu tuhusan yahay toogashada, hase yeeshee ma shaacin magaciisa, mana bixin wax faah-faahin oo ku saabsan toogashada kadib shir jaraa’id oo ay qabatay madaxa booliska magaalada Boulder Maris Herold oo ilmada ceshan waysay.

Baarayaasha ayaa billaabay inay eegaan caddeymaha, ayna wareystaan goobjoogeyaal, welina ma hayaan faah-faahin ku saabsan sababta dhalisay toogashada.

Weerarka ayaa lagu qaaday suuqa King Soopers ee magaalada Boulder, oo 25-mile ama 40-km waqooyi galbeed ka xigta magaalada Denver, islamarkaana xarun u ah Jaamcadda University of Colorado, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha degmada Boulder Michael Dougherty.

“Tani waxay musiibo iyo qarow u tahay Boulder,” ayuu yiri Dougherty, oo intaas ku daray “Kuwani waxay ahaayeen dad nolol maalmeedkooda caadiga ah ku guda jiray oo dukaameysanayey. Waxaan u ballan-qaadayaa dhibbanayaasha iyo dadka gobolka Colorado inaan caddaaladda xaqiijin doonno.”

Weerarkan ayaa ahaa toogasho wadareedkii toddobaad ee sanadkan ka dhacda dalka Mareykanka, waxayna timid maalmo kadib markii 16-kii March sideed qof lagu dilay toogashooyin ka dhacay saddex ganacsi oo ku yaalla aagga magaalada Atlanta ee gobolka Georgia.

XS
SM
MD
LG